Sheekadii Sharandaranley

Akhyaareey waxan halkan idinku soo gudbinayaa shekadii sharandaranley. waa sheeko aad iyo aad u qaliya aad ka heli doontaan in badan akhris wacan.
Waxay ahayd goor gabal dhac ah. Waxa godka shalam tidhi cadceedda oo baradho u eg, kana gondo degtay oo caraabeheeda ku sii gelbiyey lingaxa falaadho sagal guduud ah, dhulka laftiisa ayaa gucumada sagalka cirka ku sharfay lingaxa galbeedna kaga suntay hariiryo sidbaaq guduudan. Xilligu waa diriradii gu’nimo, oo ay laamaha dhirtu si layaab leh u leeg leegsanayaan, cosobka tabaadi noqday caleentuna hawrtay ayaa dhulka cadrisay. Jihada bari waxa dhirta baarkeeda ka soo fuuray dayax dhool qarsaday, oo ka run sheegay suuradda lagu yaqaan bil saddex iyo toban jirsatay, waana bisha loo yaqaan candhoqoys. Waxa isna I arka yidhi xiddigga Xamar islegdey oo aalaaba xili roobaadka isku beega xundhurta cirka. Raxan raxan caraabe ah, oo baalaley ah ayaa mashquul ka dhigtay jiho kasta oo aad eegto. Ugaadha cawo darranta ka leedaynaysa iyo duurjoogto kala nooc nooc ah ayaa hareeraha ka dhaafaysa oday goodaad oo Salaad maqrib ku tukanaya bog-cad burciid xallani ku goglan tahay.
Halkan ka Download garayso sheekada

Comments

Popular Posts